MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-C/laahi Maxamed Nuur oo Dowladii Farmaajo ka soo noqday Wasiirka Amniga islamarkaana ah Milkiilaha Hotel Elite ayaa la sheegay inuu iska casilay xilka La taliyaha sare ee Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh.
C/laahi Maxamed Nuur wuxuu cadeeyay in sababta uu isu casilay ay la xiriirto caqabadaha iyo is-mariwaaga siyaasadeed ee dalka ka jira,isagoona xusay waliba inay keeni karto amni xumo siyaasadeed.
Hadalada Milkiilaha Hotel Elite waxay muujineysaa inuu si toos ah uga hor yimid siyaasada Madaxweyne Xassan madaama saacadihii ugu danbeeyay uu soo xoogeystay wararka sheegaya in Madaxweyne Xassan ku qancay in Cali Guudlaawe noqon karo musharaxa Xilka Madaxweynaha Hirshabelle ku matali doona Xisbiga JSP.
“Waxaan maanta, oo ay taariikhdu tahay 26-ka April 2026, iska casilay xilkii lataliyaha sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,Go’aankan waxaan qaatay anigoo tixgelinaya caqabadaha iyo is-mariwaaga siyaasadeed ee adag ee dalka ka jira, kuwaas oo horseedi kara xasillooni-darro siyaasadeed iyo mid amni” ayuu yiri C/laahi Maxamed Nuur
Sidoo kale C/laahi oo u muuqda inuu jecelyahay inuu muujiyo khilaafka xoggan ee soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Xassan ayaa si cad u sheegay inuu dhawaan faahfaahin doono aragtidayda ku aaddan xalka xasaradaha siyaasadeed ee xilliga kala guurka.
Maadaama muddada xilhaynta hay’adaha dowladda ee la doortay ay ku egtahay 15-ka May 2026, isla markaana ay ka harsan tahay wax ka yar 20 maalmood waxaan rabaa inaan shacabka la wadaago mar dhaw ragtidayda ku aaddan xalka xasaradaha siyaasadeed ee xilliga kala guurka, ” ayuu mar kale yiri C/laahi Maxamed Nuur.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

