MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Milmiilaha Iska leh Hotel Mubaarak ayaa si weyn ugu eedeeyay Dowlada Somalia inay ganacsatada ka qaadaan lacago sharci daro ah oo ka baxsan midii canshuurta ahayd ee la isla ogaa,wuxuu ku cataabay inaaney bixin karin lacagaha dheeraad ah.
Ganacsade Maariyaa oo ah Milkiilaha Hotel Mubaarak wuxuu carabka ku adeekayay inay ka shaqeysan la’yihiin ciidamada Dowlada ee is bar bar socda kuwaasoo qaadaya lacago sharci daro ah oo uu ku tilmaamay isbaaro.
“mini-shiibiyaa ku imaaneysa waxay ku leeyihiin xir albaabada hadaadan intaas bixin,kuwa kale oo canshuur qaadayaa ku imaanaya,nabad sugid ayaa kuu imaaneysaa sidaas oo kale xira albaabka, sidaas kuma shaqeyn karo ” ayuu yiri Ganacsadaha
Masuulkaani wuxuu sidoo kale ka cabanayaa jag-boynti ama isbaaro ciidamada Dowladu dhigteen hoteelkiisa hortiisa taasoo keentay in macaamishi hotelka iman lahayd xitaa inay iman karin,wuxuu ugu baaqay madaxda Maamulka Gobolka Banaadir inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka lagu hayo.
Mar uu ka hadlayay lacagaha canshurta uu bixiyo ayuu ku sheegay 825 Dollar Canshuur ah iyo 3600 dollar oo Merchant ah.
“canshurtii anagoo sidaas u bixineyna ayaa hadana waxaa la ii keenay warqadaha ay canshuurta ku bixiyaan kuwa suuqa gaar ahaan watarada iyadoo la i leeyahay keen 10 doolar hadii kale xir, masuuliyiinta waxaan leeyahay arintaan wax halaga qabto”ayuu yiri Ganacsadaha iska leh Hotel Mubaarak
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
