Advertisement

 

Milkiilaha Twitter-ka Elon Musk ayaa sheegay inTwitter-ka uu xaddiday tirada tweets-ka ee isticmaalayaashu ay akhrin karaan maalin gudaheed,

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Mr Musk ku sheegay in akoonnada aan la xaqiijin ay hadda ku xaddidan yihiin akhrinta 1,000 qoraal ah maalintii.

Acoonada cusub ee aan la xaqiijin, tirada ay akhrin karaan ayaa lagu xadiday 500 qoraal .

Dhanka kale, Acoonada leh heerka “la xaqiijiyay” ayaa hadda ku xaddidan 10,000 oo boosto maalintii.

Maalqabeenka teknoolajiyada ayaa markii hore dejiyay xad adag, laakiin wuu bedelay kuwaas saacado gudahood markii uu ku dhawaaqay tallaabada.

Mr Musk waxa uu isticmaalayaasha Twitter-ka u riixayay dhanka Twitter Blue, oo ah adeegeed qof uu heli karin ilaa uu lacag-bixiyo. Waa suurtogal inuu eegayo nooc ay isticmaalayaashu ku bixin doonaan lacag si ay u helaan adeeg Twitter oo buuxa – iyo helitaanka qoraallo aan xadidnayn.

 

Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here