HomeCiyaarahaMiyay Is-dhiibeen?! Michael Owen oo magacaabay labada Kooxood ee u fududeeyay’ Arsenal...

Miyay Is-dhiibeen?! Michael Owen oo magacaabay labada Kooxood ee u fududeeyay’ Arsenal inay xilli ciyaareedkan Ku guuleysato Horyaalka.

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddigii hore ee xulka England, Michael Owen, ayaa sheegay in Liverpool iyo Manchester City ay ahaayeen labada koox ee kaliya ee ka hor istaagi kari lahaa Arsenal inay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Isagoo la hadlayay talkSPORT, Owen wuxuu sheegay in labadaas koox ay si dadban “ugu wareejiyeen” horyaalka kooxda Mikel Arteta, maadaama aysan gaarsiisneyn heerkii laga filayay.

Manchester City ayaa hadda ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka, iyagoo lix dhibcood ka hooseeya Arsenal oo hogaanka haysa.

Dhanka kale, Liverpool oo xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay horyaalka iyagoo 10 dhibcood ku horreeyay Arsenal ayaa hadda ku jira kaalinta lixaad, iyagoo 14 dhibcood ka dambeeya Arsenal.

Axaddan, Liverpool iyo Manchester City ayaa ku kulmi doona Anfield, waxaana la filayaa in midkood ama labaduba ay dhibco lumiyaan.

 

Owen ayaa yiri:

“Bilowgii xilli ciyaareedka, labada koox ee kaliya ee Arsenal ka hor istaagi kari lahaa waxay ahaayeen Liverpool iyo Manchester City, balse si cad uguma ciyaarayaan sidii hore.

“Sidaas darteed, waxaan aaminsanahay in Arsenal ay horyaalka ku guuleysan doonto, balse faa’iido wayn ayay ilaa hada heysataa.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -