XIGASHO LAACIB.NET 
Xiddiga reer France Kylian Mbappe ayaa la filayaa inuu sii joogo Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda, inkastoo ay jiraan xiisado u dhexeeya ciyaaryahanka iyo kooxda.
Sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano, labada dhinac midna kama fikirayo kala tag xagaagan, inkasta oo xaaladda hadda lagu tilmaamay “waqti adag”.
Mbappé ayaa wajahaya dhaleeceyn kadib safar uu ku tagay Talyaaniga isagoo dhaawac ka soo kabanaya, halka warar kale ay sheegayaan in qolka labiska ay ka jiraan walaac ku saabsan dabeecaddiisa iyo dadaalkiisa difaac.
Si kastaba, Real Madrid ayaa weli si buuxda ugu kalsoon 27-jirkan, iyadoo loo arko inuu yahay tiirka ugu muhiimsan mashruuca cusub ee kooxda.
Kooxda ayaa qorsheyneysa dib-u-dhis kadib xilli ciyaareed niyad-jab leh, waxaana Mbappé laga filayaa inuu door weyn ka ciyaaro.
Inkasta oo arrimo ay ka mid yihiin xil ka qaadistii Xabi Alonso, maaraynta dhaawaciisa iyo xaaladda qolka labiska ay keeneen khilaaf, haddana xiriirka labada dhinac weli ma burburin.
XIGASHO LAACIB.NET
