HomeCiyaarahaMo Salah oo farriin adag u diray taageerayaal bahdil ku sameeyay Nunez...

Mo Salah oo farriin adag u diray taageerayaal bahdil ku sameeyay Nunez iyo Luis Diaz

XIGASHO LAACIB.NETXiddiga reer Masar Mohamed Salah ayaa si adag uga jawaabay qoraal lagu xaqiray weeraryahanadii hore ee Liverpool, Darwin Nunez iyo Luis Diaz, kuwaas oo xagaagan ka tagay kooxda.

Salah ayaa bartiisa X ku yiri: “Miyaanan awoodin inaan bogaadinno saxiixyada cusub annagoo aanan bahdilin halyeeyadii hore?” – isaga oo ula jeeday fariin ixtiraam u ah Nunez iyo Diaz.

Nunez ayaa ku biiray Al Hilal (Saudi Arabia), halka Diaz uu u wareegay Bayern Munich. Salah wuxuu caddeeyay in inkastoo kooxdu heshay xiddigo cusub sida Ekitike iyo Alexander Isak, haddana ay mudan yihiin sharaf iyo mahadnaq kuwii guulaha soo gaarsiiyay Liverpool.

Arrintan ayaa caddeynaysa in Salah uu aad ugu xiisay saaxiibadiisii hore iyadoo la dareemi karo inuusan ku qanacsaneyn xiddigaha cusub ee kooxda.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -