XIGASHO LAACIB.NET
Wararka uu qoray saxafiga caanka ah Ismael Mahmoud ayaa sheegaya in xiddiga Liverpool, Mohamed Salah, uusan la safrin kooxdiisa xafladda Ballon d’Or ee ka dhaceyso Paris – arrin loo arko inay muujineyso in uusan ku guuleysan doonin abaalmarinta weyn ee caawa.
Salah ayaa xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay Liverpool, isagoo ku hoggaamiyay kooxdiisa Premier League-geedii 20-aad. Waxaa loo doortay xiddiga ugu fiican horyaalka, isaga oo ku dhammeystay gooldhaliyaha iyo caawiyaha ugu sarreeya.
Xogta Salah 2024-25
52 kulan tartamada oo dhan
34 gool
23 caawin
Si kastaba ha ahaatee, safarka Liverpool ee xafladda Ballon d’Or waxaa hoggaaminayay:
Virgil van Dijk (oo galay kaalinta 28aad ee Ballon d’Or)
Alisson Becker (Galay kaalinta 2 aad ee Yashin Trophy)
Arne Slot (tababaraha kooxda)
XIGASHO LAACIB.NET
