Xiddiga Liverpool Mohamed Salah ayaa dhigay rikoor cusub kadib markii kooxdiisu 3–0 kaga badisay Brighton kulan ka tirsanaa wareegga afaraad ee FA Cup oo ka dhacay Anfield.
Salah ayaa gool dhaliyay, halka sidoo kale ay shabaqa soo taabteen Curtis Jones iyo Dominik Szoboszlai, taasoo Liverpool u sahashay inay u gudubto wareegga 16-ka.
Sida ay sheegtay OptaJoe, tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore Salah wuxuu gool dhaliyay isla markaana caawin bixiyay 15 kulan oo kala duwan tartamada oo dhan, waana tiro sagaal jeer ka badan ciyaaryahan kasta oo kale oo Premier League ah muddadaas.
Liverpool ayaa kulankooda xiga ee horyaalka la ciyaari doonta Nottingham Forest, iyadoo Reds ay rajeynayso inay sii wado qaab ciyaareedkooda fiican.
XIGASHO LAACIB.NET

