HomeCiyaarahaMo Salah oo sameeyay taariikh cusub intii lagu jiray kulankii Brighton

Mo Salah oo sameeyay taariikh cusub intii lagu jiray kulankii Brighton

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga Masaarida ah ee Mohamed Salah ayaa noqday ciyaaryahanka leh ka-qaybgalka goolasha ugu badan ee hal koox taariikhda Premier League-ga, kadib markii uu ku lug yeeshay 277 k gool isagoo la jooga Liverpool, taasoo ka sarreysa rikoorkii Wayne Rooney oo lahaa 276 ka-qaybgal gool isagoo u ciyaarayay Manchester United.

Tani waxay timid kadib markii Salah uu sameeyay caawinta goolka labaad ee Liverpool kulankii ay la ciyaarayeen Brighton, ciyaar ka dhacday garoonka Anfield, kana tirsan wareegga 16-aad ee Premier League-ga.

Salah ayaa beddel kusoo galay qeybtii hore ee ciyaarta kadib dhaawac soo gaaray Joe Gomez, wuxuuna isla markiiba saameyn ku yeeshay ciyaarta, isagoo mar kale caddeeyay qiimihiisa go’aaminta natiijooyinka Liverpool.

Waxaa xusid mudan in Salah uu Premier League-ga saftay 301 kulan isagoo la jooga Liverpool, kuwaas oo uu ku dhaliyay 188 gool islamarkaana uu ku bixiyay 89 caawin (assists).

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -