Midawga yurub waa dawladaha ugu badan ee taageera Dawlada Federaalka Soomaliya.

Waxay si kulul ula hadleen Madaxweyne farmaajo iyo madaxda dawladaha xubnaha ka ah.
-Mudo kordhin cidii ku fakaraysa majirto.

Warka oo Af soomali iyo ingiriis ah halkan ka aqriso.

Soomaaliya: Bayaan uu soo saaray Wakiilka Sare / Madaxweyne ku xigeenka Josep Borrell oo ku saabsan heshiis la’aanta ah in doorasho laga qabto Soomaaliya

Brussels, 08/02/2021 – 18:59, ID AQOONSIGA: 210208_14

Bayaanka HR / VP

Heshiis la, aanta in la qabto doorasho ka dhacda Soomaaliya waa mid aad u culus oo aan dan ugu jirin muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waa muhiim in dhammaan kaqeybgalayaashu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah uwada shaqeeyaan si ay uga heshiiyaan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka qaran.

Hoggaamiyeyaasha siyaasaddu waa inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan hirgelinta heshiiskii 17-kii Sebtember.
Geedi socod kasta oo is barbar socda ama qeyb ah ay doonayso mido kordhin howlaha hay’adaha, oo aan aheyn qaab farsamo oo la isla ogol yahay waxaa loo tixgelin doonaa dib u dhac xoogan lamana aqbali doono.

Ismariwaaga siyaasadeed ee hadda jira wuxuu dhaawacayaa kalsoonida Midowga Yurub ee horumarka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka waxaa looga baahan yahay inay xaliyaan ismari waaga siyaasadeed ee qatarta ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashooyin. Dhinacyada oo dhami waa inay muujiyaan hoggaan, oo ay tixgeliyaan danaha dadweynaha kana fogaadaan hadalada iyo ficillada hurinaya rabshadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here