Mid ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Pro.Yaxye Sheekh Caamir ayaa qalinka u qaatay qormo uu ugu magac daray Mogadishu oo Gubanee iyo Digniin isagoona si gaar ah ugu falanqeeyay koox uu shegay inay Madaxtooyada ka ag dhaw yihiin oo diidan in Muqdisho yeelato maqaam la mid ah kuwa maamul Goboleedyada oo kale xili sida uu sheegay baarlamaanka Soomaaliyeed badankood qalinka ku duugeen in Muqdisho yeelayo Dowlad Goboleed u gaar ah.
Hadaba Qormada Yaxye Sh. Caamir oo sideeda u qoran halkan ka akhriso:-
Doodii Baarlamaanka ee Ku saabsaneyd kala xulashada labada qodob ee ahaa in Mogadishu ay noqoto Maamul gobaleed leh xuquuqdiisa iyo in ay noqoto sida ay hadda tahay oo aan leheyn xuquuq la mid ah kuwa maamul gobaleedyada kale.
Doodii Baarlamaanku waxa ay u badatay in la isku raaco in ay noqoto Maamul gobaleed.
Laakin, Shan nin oo dana gaara leh, saameeyna ku leh Madaxtooyada ayaa bedelay Qorshihii soona jeedoyay in aan la tixgalin Rabitaanka Xildhibaanada iyo Shacabka magaaladda ku nool, Mogadishana ay noqoto mid aan Leheyn maamul u gaar iyo in Sentoro aan la siiniin, haadii la siinayana ay iyagu go’aamiyaan.
Raggaan Shanta ah oo ah kuwo iska horkeenayo Dadka magaaladan iyo Dowladda.
Digniin
Haddii la raaco taladooda iyo Saameeynta aan sharciga aheyn oo shantaani ay ku leeyihiin Xafiiska Madaxweynaha.
Dastuurkaa wax laga bedelaa, laakin, Laakin, Xamar ka reeba iyada Dana kale ayaan ka leenahay. Qof aan ka yeeleeyno ma jirto, ama wax ka bedelka qodobadii la isku raacay ee Mogadishu Maamul gobaleed ah ha ku jirto. ama wax ka bedelka dhanba ha la iska dhaafo.
Waxaa dhacayo:
1. Burbur Qaran.
2. Shacabka oo xuquuqdooda u halgamo.
3. Sida ay rabaan Raggan mugdiga wax ku maamulo oo ah in lagu kala tago.
4.Dagaalo sukeeye oo toos uga qarxo magaalada iyo Muqdiaho oo gubato.
Nin Aniga yiri Dad iska sooc. Shakhsiyan waan ka soo hor jeedaa aragtida ah in Muqdisho ayna yeelan maamul u gaar, waxaana u diyaar ahay in aan Nafteeyda u huro, sida aan Nafteeyda ugu huro Dalka iyo cid kasta oo la dulminaa.
Waa noo fagaaraha.
Waa noo fagaaraha.
Qore:Yahya Amir

