XIGASHO LAACIB.NET
Mohamed Salah ayaa isbarbardhig ku sameeyay hababka tababarenimo ee Jurgen Klopp iyo tababaraha cusub ee Liverpool, Arne Slot.
Salah ayaa wareysi siiyay telefishinka Masar ee On Sport, wuxuuna yiri:
“Tababare walba wuxuu leeyahay qaab ciyaareed u gaar ah, balse waxaan si badan waqti ula qaataa Slot, waxaana isu fahannaa si fiican. Taas oo ka duwan Klopp, aniga iyo Slot marar badan ayaan fariisannaa oo wada hadalnaa. Wuxuu iiga dhabeeyay tan iyo bilowgii in uu doonayo in uu iga helo waxa ugu fiican ee aan qabtay abid. Aniguna waxaan uga jawaabay in aan doonayo in aan raaxo ku dareemo garoonka dhexdiisa.”
Salah wuxuu sidoo kale xusay: “Klopp wuxuu si weyn wax uga beddelay kooxda, wax badan ayaan kula guulaysanay isaga.”