XIGASHO LAACIB.NET
Mohamed Salah lama safri doono kooxda Liverpool ee kulanka Champions League-ga Talaadada ay la dheelayaan Inter Milan, kaddib markii maamulka sare iyo tababare Arne Slot ay si wadajir ah u go’aamiyeen in gebi ahaanba laga reebo liiska ciyaartoyda.
Go’aankan culus ayaa yimid 48 saacadood oo keliya markii Salah uu bixiyay wareysigiisii kululaa ee Elland Road, halkaas oo uu ku eedeeyay Liverpool inay “hoos u dhigeen”, isla markaana uu sheegay in xiriirkiisa Slot uu si buuxda u burburay, isaga oo tilmaamay in “qof uusan rabin inuu kooxda joogo”.
33-jirkan ayaan wax daqiiqad ah ciyaarin saddexdii kulan ee ugu dambeeyay, waxaana hadda uu seegi doonaa kulan muhiim ah oo Yurub ah, iyadoo Liverpool oo kaalinta 13-aad ku jirta ay leedahay 9 dhibcood shan kulan gudahood.
Inter Milan ayaa kulankan soo geli doonta iyagoo ka carreysan guuldarradii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkooda Champions League.
Wararka gudaha ka imanaya waxay tilmaamayaan in ka reebista Salah ee kooxda ay tahay tallaabo anshaxeed oo lagu xoojinayo awoodda tababaraha iyo midnimada qolka labiska, maadaama hadallada uu u jeediyay Liverpool ay u muuqdeen kuwa si ula kac ah u dhaawacaya kooxda xilli ay natiijooyinka hoos u dhac weyn ku jiraan.
Salah waxa uu si toos ah ugu biiri doonaa xulka Masar marka uu dhamaado kulanka Brighton Sabtida, taas oo ka dhigaysa in ka qeyb-galka ciyaartaasna uu shaki adag ku jiro.
XIGASHO LAACIB.NET
