XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa si cad u sheegay inuu doonayo ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or, isagoo sheegay in waxa ugu weyn ee dhiirrigelinaya ay tahay inuu sharaf u keeno dadkiisa.
Salah oo xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay Liverpool ayaa door weyn ka qaatay hanashada horyaalka Premier League, isagoo dhaliyay 28 gool isla markaana caawiyay 18 kale.
Markii la weydiiyay riyadiisa ku aaddan Ballon d’Or, Salah wuxuu yiri:
“Waxaan aaminsanahay inay jirto fursad wanaagsan oo aan sanadkan ugu guuleysan karo abaalmarintan, laakiin aan aragno waxa dhaca.”
Salah wuxuu xusay in diiradda ugu weyn ee uu saarayo ay tahay ku guuleysiga koobab, gaar ahaan Champions League iyo Premier League, isagoo hadalkiisa sii raaciyay:
“Ma doonayo oo kaliya abaalmarin aniga ii gaar ah – waxaan rabaa inaan u guuleysto dadkayga.”
Hadalkiisu wuxuu muujinayaa in abaalmarintu aysan ahayn mid uu u doonayo magac ama sharaf shaqsiyeed, balse uu doonayo inuu u keeno farxad iyo sharaf qaranka Masar iyo taageerayaasha reer masar guud ahaan.

