XIGASHO LAACIB.NET
Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool, Mohamed Salah, ayaa ka hadlay saamayntii ee uu lahaa tababarihii hore ee kooxda, Jurgen Klopp, isagoo ku ammaanay kartida uu u lahaa inuu maamulo koox ay ka buuxaan xiddigo waaweyn, isla markaana uu ilaaliyo jawiga midnimada ee qolka labiska.
Salah ayaa carrabka ku adkeeyay in hoggaaminta ciyaartoy heer sare ah aysan ahayn hawl fudud, balse Klopp uu si heer sare ah u maareeyay.
“Maamulista ciyaartoydu waa mid aad u adag. Markaad sannado badan ku dhex jirto howlahan, waxaad khibrad ahaan fahmaysaa inaysan fududayn gabi ahaanba; in la maamulo ciyaartoyda, qolka labiska, iyo koox xiddigo leh sida aan aheen oo kale, haddana la ilaaliyo in qof kastaa uu diyaar ahaado oo uu shaqeeyo,” ayuu yiri Salah.
Waxa uu intaas ku daray in Klopp uu qaabkiisa hoggaamineed ku dhisay dhiirigelinta iyo xiriirka dhow ee uu la lahaa safka kooxda.
Salah ayaa sidoo kale xusay in ciyaartoyda Liverpool ay iyaguba ahaayeen kuwo hammi leh, taas oo hawsha u fududaysay tababaraha. “Wuxuu nasiib u lahaa inaan dhamaanteen doonaynay inaan shaqeyno. Ma jirin qof uu ku qasbayay shaqada, sababtoo ah waxaan si dhab ah u doonaynay inaan guuleysano.
Waxaa naga dhaxeeyay xiriir iyo is-faham adag,” ayuu raaciyay “Boqorka Masaarida”. Hadalladan ayaa muujinaya ixtiraamka weyn ee uu Salah u hayo Klopp iyo sidii uu tababaraha u dhisay koox dhowr sano ku tartamaysay heerar aad u sarreeya.
XIGASHO LAACIB.NET
