HomeCiyaarahaMoisés Caicedo oo shaaciyay hal sir oo ay Chelsea kaga fogaan karto...

Moisés Caicedo oo shaaciyay hal sir oo ay Chelsea kaga fogaan karto guuldarrooyinka kaga yimaada kooxaha Premier League

XIGASHO LAACIB.NET

“Way na xanuunjinaysaa guuldarrada sababtoo ah annaga ayaa ciyaarta gacanta ku haynay,” ayuu Moisés Caicedo u sheegay bogga rasmiga ah ee Chelsea kaddib guuldarradii 2-1 ee Aston Villa.

“Qaybtii hore aad bay u fiicnayd, sidoo kalena si wanaagsan ayaan ku billaabanay qaybtii labaad, waxaana suuragal ahayd inaan guuleysanno, xitaa kaddib goolkii ay dhaliyeen.

“Dabcan waan niyad-jabnay, sababtoo ah shaqo weyn ayaan qabanaynay, balse marka aadan feejignaan buuxda muujin 90-ka daqiiqo ee Premier League, waxyaalahan way dhacayaan.

“Waa inaan wax ka barannaa arrintan, maxaa yeelay waxaan qabannay hoggaanka, balse Premier League haddii aad rabto inaad meel sare ka gaarto waa inaad ahaataa mid joogto ah oo isku dheellitiran.

“Sidaas darteed waa inaan sii wadnaa barashada. Tani kaliya ma aha guuldarro, waa fursad wax laga barto, waana hubaa inaan si ka xoog badan u soo laaban doono.

“Waa muhiim annaga iyo taageerayaasha in aan sannadka ku soo xirno si wanaagsan. Marka waxaan wax ka baran doonnaa kulankan, diiraddana saari doonnaa ciyaarta xigta, sababtoo ah waxaan rabnaa inaan wax walba bixino.”

Chelsea waxay ahayd inay hoggaan weyn ku dhamaysato qaybtii hore, balse waxay ku dhammeysteen 1-0 oo kaliya, taas oo ay ka qoomameeyeen qaybtii labaad kaddib markii isbeddelladii uu sameeyay Unai Emery ay ciyaarta dhinac kale u rogeen.

Hadda Blues-ku waxay wajahayaan waqti kooban oo nasasho ah, maadaama ay la ciyaari doonaan Bournemouth habeenka Talaadada.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -