HomeCiyaarahaMoises Caicedo oo sharaxay sababta uu isaga diiday inuu Arsenal ku biiro...

Moises Caicedo oo sharaxay sababta uu isaga diiday inuu Arsenal ku biiro oo uu Chelsea u doortay

XIGASHO LAACIB.NET

Xagaagii 2023, Arsenal aad bay ugu dhowayd saxiixa Moises Caicedo, iyagoo Brighton u bandhigay ku dhowaad £75m.

Laakiin Caicedo wuxuu rumeysan yahay in ay ahayd nasiib inuu ku biiro Chelsea halkii uu ka aadi lahaa Arsenal.

Caicedo wuxuu yidhi:

“Wax walba sabab bay u dhacaan. Waxaan aad ugu dhowaaday Arsenal, laakiin hadda halkan (Chelsea) ayaan joogaa waana ku faraxsanahay. Waqtigu wuu saxnaa.”

Wuxuu sii raaciyay:

“Waxaan sugayay ilaa Chelsea ay iga soo doonato. Dadku way igu qosleen, waxay yiraahdeen meel qaldan baad dooratay, laakiin mararka qaar waxaad u baahan tahay waqti aad kula qabsato koox weyn. Aniga taas baan u baahnaa.

Chelsea shaki iga ma gelin, anigana waxaan rabaa inaan u hibeeyo wax walba. Kooxdan waxay leedahay hammi; waxaan rabaa inaan halkan koobab badan kula guuleysto.”

Warar ay soo gudbiyeen Fabrizio Romano iyo David Ornstein ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee Arsenal u xaqiijin weyday saxiixiisa ay ahayd in Brighton diiday inay iibiso waqtigaas.

Xagaagii xigay (2023), Arsenal mar dambe ma aysan raadin Caicedo, halka Chelsea ay si rasmi ah ugu soo dhaqaaqday, qancisayna wiilka reer Ecuador.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -