Mombasa (dayniiile.com)-Magaalo Xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya waxaa ka dhacay banaan bax weyn oo lagu ayidaayay qadiyada shacabka  Dalka Falastiin oo Yuhuudu gumaad arxan daro ah ku heyso.

Kumanaan shacab ah oo wata boorar iyo calanka Falastiin ayaa muujiyeen sida ay ugu taageersan yihiin qadiyada Falastiin iyagoona si weyn u cambaareeyay duqeymaha aan kala joogsi lahayn ee Israa’iil ku heyso shacabka Falastiin gaar ahaan Magaalada Gaza.

Advertisement

Dibadbaxayaasha waxaa hor kacayay qaar ka mid siyaasiyiinta laga soo doortay dowlad deegaanka Mombasa sida xildhibaanka deegaanka Nyali Maxamad Cali Sida ay sheegtay idaacada Starfm.

Inta badan dunida waxaa ka dhacay banaan baxyo midkaan la mida kuwaaso dhamantood lagu cambaareynaayay duqeymaha Yuhuuda ay ku hayso shacabka reer falastiin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleIsra’iil oo raali gelin ka bixisay duqeyn ay u gaysteen Masar
Next articleBooliiska Puntland oo 75 ruux usoo qabteen kiiska Wiilkii la kufsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here