Dowladda Kenya oo ka jawaabeysa wararka sheegaya in Soomaaliya dalbatay in ciidamadeeda laga saaro gudaha Soomaaliya ayaa shaacisay in go’aan lagu saarayo ciidamo qeyb ka ah Midowga Afrika ee AMISOM aysan laheyn iyagu.

Wasiirka gaashaandhigga Kenya Monica Juma ayaa “In Ciidamada Kenya ka baxaan Soomaaliya xilligaan ma go’aamin karno waa in uu ka yimaadaa Midowga Afrika, mana ahan mid quseeya xiriirka xumaaday ee labada dal.”

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegtay xiriirka xumaaday ee dowladda Soomaaliya ay jartay aysan wax saameyn ah ku yeelada doonin go’aanka ciidamada AMISOM ay ku joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin ciidamada Kenya.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Munica ayaa sidoo kale sheegtay in go’aanka kama dambeysta ah ee ciidamada Kenya looga saarayo Soomaaliya ay waajib tahay inay qaraar ku ansixiso Qaramada Midoobay.

Qiyaastii 3-kun oo askari oo Kenyaan ah ayaa qeyb ka ah ciidamada AMISOM ee jooga gudaha Soomaaliya, kuwaas oo weerarro adag kala kulma Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here