HomeCiyaaraha“Mourinho wuu go’aan adkaa anna waan cadho badnaa” Rashford oo ka warramay...

“Mourinho wuu go’aan adkaa anna waan cadho badnaa” Rashford oo ka warramay dhibaatadii kala qabsatay isaga iyo Mourinho xilligii United

XIGSHO LAACIB.NET

Marcus Rashford ayaa dhowaan ka sheekeeyay xilligii uu ka hoos ciyaarayay José Mourinho, isagoo ka hadlayay barnaamijka The Rest Is Football, wuxuu ku tilmaamay Mourinho inuu ka mid ahaa tababbarayaashii ugu saameynta badnaa ee soo maray, isagoo la barbar dhigay Louis van Gaal iyo Ole Gunnar Solskjær. Wuxuu xusay:

“Intii aanan la kulmin José, marnaba ma aanan haysan tababbare ku mashquula sida guul loo gaaro sidiisa oo kale… Van Gaal wuxuu rabay in la ciyaaro kubbad qurux badan, laakiin José  waxaas dan kamuusan laheyn. In aad guuleysato, taas ayaa muhiim u aheyd isaga, kadibna ciyaarta xigta ayaad u gudbeysaa.Wuu go’aan adkaa. Bilowgii, mar walba waan xanaaqi jiray. Laakiin markii aan guuleysanay, aniguna aan arkay inuu yahay nin guuleyste ah, ayaan bilaabay inaan fahmo.”

Rashford ayaa sheegay in qaabka Mourinho uu si weyn u dhisay maskaxdiisa iyo xirfaddiisa ciyaareed:

Rashford wuxuu qirtay in shaqada uu ka hoos qabtay Mourinho ay ahayd mid culus, hase yeeshee sanadihii uu la joogay ay ugu dambeyn ka dhigeen mid adkaysi badan maskax ahaan, isla markaana horumar sameeya. “Markaan dib u milicsado… muddadaas waxay iga dhigtay ciyaaryahan ka fiican sidii hore.”

Isagoo ka hadlayay barnaamijka BT Sport ee Between The Lines, Rashford wuxuu qirtay in qaabka Mourinho ee adag uu xaddiday hal-abuurkiisa garoonka:

“Markii aan la joogay José… wax walba waxay ahaayeen ‘adiga halkaas ka ciyaar, adiga halkaas ka ciyaar.’… Aad bay iigu adkayd inaan soo bandhigo kubbaddayda ugu wanaagsan.”
XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -