Garoowe: 23 November 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Doorashooyinka Puntland, Go’aanka Dowladda Puntland ee ku aadan qorshaha wax-ka-bedelka Dastuurka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kala Xadaynta Waajibaadka Wasaaraddaha iyo Siyaasadda iyo xeerka tirakoobka Puntland.
Kulanka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay hannaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod oo hadda loo diyaargaroobayo Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada. Waxaana Goluhu isku raacay sidii loo dhamaystiri lahaa dhammaan agab yada farsamo iyo amni ee ay u baahan tahay qabashada doorashadaas, taas oo ah Waddada keliya ee looga bixi karo khatar kasta oo Puntland ka jirta.
* GO’AANKA DOWLADDA PUNTLAND EE KU AADAN WAX-KA-BEDELKA DASTUURKA DOWLADDA FEDERAALKA AH EE SOMALIA.
Dowladda Puntland waxay si cad uga soo horjeedaa wax ka badelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyada oo dano siyaasadeed laga leeyahay.
Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalku waa heshiis bulsho, kuna dhisan is faham siyaasadeed iyo dib u heshiineed Qaran kadib burburkii Dowladdii dhexe ee Dalka.
Sida ku cad Dastuurka KMG ah Cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad, farqaddiisa 3aad “Mabaadiida Aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan yihiin Mabaadiida Aasaasiga ah ee Awood qaybsiga nadaamka Federaalka ah”, Sidaa darteed, Madaxda iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ah awood uma laha in ay badalaan hannaanka dowladda dhexe u dhisan tahay ee ah Madaxweyne iyo Raisul Wasaare iyo tubta dowlad dhiska ee ku dhisan Dastuurka KMG ka ah.
Haddaba, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in aysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah.
Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta wax-ka-badel kasta ee Dastuurka lagu sameeyo iyada oo aysan Puntland qayb ka ahayn.
Wabiillaahi towfiiq
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 3 people, suit and daisMay be an image of 4 people, dais, newsroom and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and textMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, dais and newsroomMay be an image of 2 people, suit and newsroomMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 8 people and dais
Previous articleMadaxweyne Xasan oo u tagay Dalka Tansaaniya arin dalka dan u ah+SAWIRRO
Next articleAadan Madoobe iyo Laftagareen oo maanta fureen shirka Farta Maayga+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here