NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Laba ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ugu waa weyn oo reer Muqdisho ah ayaa maanta ku kulantay Magaalada Nairoobi kuwaasoo kala ah Khaliif C/qaadir Macalin Nuur Maxamed Siyaad iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali.
Khaliif C/qaadir Macalin Nuur oo si kooban uga hadlay kulankooda ayaa sheegay inay isla soo qaadeen xaaladda guud ee dalka, caqabadaha ka dhalanaya hubanti-la’aanta siyaasadeed, iyo baahida degdegga ah loo qabo jawi siyaasadeed xasilloon.
“Waxaan maanta Hoyga aan ka daganahay Nairobi, Kenya ku soo dhaweeyay walaalkey Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali  oo ka tirsan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Gudoomiyaha xisbiga Ileys kana mid ah siyaasiyiinta miisaanka culus ku leh dalka” ayuu yiri Khaliif C/qaadir Macalin Nuur
Sidoo kale wuxuu sheegay Khaliif C/qaadir Macalin Nuur in baahi degdegga ah loo qabo jawi siyaasadeed xasilloon, laguna gaari karo hannaan doorasho oo ku dhisan wadatashi iyo sharciyad.
“Xisbiga Samadoon wuxuu mar kale caddeynayaa diyaar-u-ahaanshihiisa buuxda ee ku aaddan ka-qaybgal firfircoon, qaadashada door hoggaamineed, iyo dhisidda jawi siyaasadeed oo furan,una noqda sal-dhig xal waara, isbeddel dhab ah, iyo mustaqbal siyaasadeed oo ay Soomaaliya mudan tahay”ayuu mar kale yiri Khaliif C/qaadir.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ




DAYNIILE.COMÂ





