Muqdisho (dayniiile.com)-Waxaa Maanta la hadal hayay inay Baydhabo ku wajahan yihiin siyaasiyiinta isbadal doonka reer Koonfur Galbeed kuwaasoo markii danbe la xaqiijiyay inay baaqdeen.

Haddaba Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka kana mida siyaasiyiinta isbadal doonka ayaa VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga wuxuu uga waramay sababtii keentay inay baaqdaan madaama hadal heyn hore u jiray ay ahayd in Madaxweynaha Koonfur-Galbeed C/casiis Lafta-gareen uusan ogeleyn inay tagaan Baydhabo qolooyinka mucaaradkiisa ah ee isbadal doonkana ah.

Advertisement

Maxamed Mursal ayaa u sheegay VOA-da inay u baaqdeen codsi uga yimid dhanka Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii ugu danbeeyay ku dhex jirey xurgufta u dhexeysa siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed.

Maxamed Mursal wuxuu xusay inay berito oo jimco ah ay  u safri doonaan Dhuusa-mareeb islamarkaana ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

“Baydhabo waxaan ugu soconay inaan bulshada kala tashano laba qodob oo kala ah  doorka nooga aadan dagaalka Dowladu kula jirto Alshabaab iyo qabsoomida doorashoooyinka Koonfur-Galbeed  waliba waqtigii lagu balamay ”ayuu yiri Maxamed Mursal

Siday wax u socdaan waxaa muuqata in Madaxweyne Xasan uu wali u kala garqaadayo labada dhinac iyadoo 2 maalin ka hor Dhuusa-mareeb uu kula  kulmay C/casiis Lafta-gareen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here