MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Xeyndaabka Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta la balansan inay kulan gaar ah la qaataan Mucaaradka Dowlada gaar ahaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo uu horkici doono Madaxweynihii hore Shariif Sh.Axmed.
Madaxweynayaasha Puntland Saciid Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe ayaa iyaguna shirkaan waxay uga qeybgeli doonaan aalada internetka ee fogaan araga taasoo ka dhigan in Golaha Mustaqbalka ay u dhan yihiin shirkaan,sidoo kale waxaa dhankooda iyagana fogaan araga uga qeybgeli doona qaar ka mid ah dalalka daneeya arimaha Somalia.
Shirkaan waxaa looga hadli doonaa khilaafka Dowlada iyo mucaaradka ee ku aadan in dalku aado doorasho heshiis lagu yahay ka hor 15-ka May oo uu ku egyahay muda xileedka Dowlada gaar ahaan Madaxweyne Xassan,mucaaradka waxay doonayaan in Beesha Caalamli cadaadis ku saarto Madaxweynaha inuu la yimaado hab doorasho lagu wada qanacsan yahay islamarkaana uu ka tanaasulo doorashada aan loo dhameyn ee isaga u qorsheysan.
Kulankaan oo xasaasi ah ayaan la ogeyn sida Beesha Caalamku Madaxweyne Xassan ugu cadaadin karto inuu ka tanaasulo qorshihiisa doorashada ee qof iyo codka ah madaama mucaaradku aaminsan yihiin inuusan daacad ka ahayn balse uu muda kororsi ku raadinayo oo kaliya.,sidoo kale mucaaradka shakiga ugu weyn ee ay qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xassan Degmooyin kooban oo dalka ah uu rabo inuu qabsado doorasho isagu uu ku soo baxayo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
