Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowlada Somalia islamarkaana ku mideysan Ibaheysia Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inay isu yimaadaan islamarkaana jawaab adag ka bixiyaan warqad dhawaan ka soo baxday Xukuumada Somalia ama Xafiiska Ra’iisulwasaare Xamza taasoo lagu casuumay mucaaradka inay shir isugu yimaadaan Muqdisho.
Casuumada Wasiirada Somalia ayaa gudi loo saaray waxaa masuul ka ah Wasiirka Cadaalada Xasan Macalin, casuumaada waxajawaab u tahay dalabkii mucaaradka shirkii Kismaayo kaasoo Madaxweyne Xasan looga dalbanayay inuu qabto shir wada-tashi Qaran ah si doorashooyinka looga heshiiyo.
20-ka bishaan ayay mucaaradku u qabteen Madaxweyne Xasan hadii ay dhaaftana waxay ku hanjabeen inay go’aan adag qaadan xili ay hore ugu hanjabeen inay Dowlad kale dhisi doonaan hadii waqtiga uu doorasho ku qaban waayo Madaxweyne Xassan.
Mucaaradka ayaa hada qorsheynaya inay shir isugu yimaadaan ama Gudigooda u dhiibi doonaan ariin ah inay qaadaceen shirka Dowlada madaama uusan Madaxweynuhu casuumada bixin taasoo warar horu dhac ah ay mucaaradka qaarkood ku tilmaameen jees jees Dowlada Madaxweyne Xasan ku jees jeeseyso mucaaradka,
Lama yaqaan Garowe, Kismaayo ama Muqdisho mucaaradku halka ay kaga dhawaaqi doonaan qaadacooda shirka Dowladu ugu yeertay mucaaradka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
