HomeWarkiiMucaaradka Dowlada oo sheegay in Muqdisho ay ka jirto arimo la mid...

Mucaaradka Dowlada oo sheegay in Muqdisho ay ka jirto arimo la mid ah dhagaraha Yuhuuda

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mucaaradka Dowlada Somalia ee la magac baxay Madasha samatabnixinta ayaa sheegay in Muqdisho ay ka jirto arimo la mid ah dhagaraha Yuhuuda iyo hababka ay u adeegsadaan barakicinta shacabka reer Qaza.

Maxamed Aadan Kofi oo ah Xoghayaha Madasha samatabixinta ayaa sheegay in tabtii Yuhuuda oo shacaka Gaza ka jareysa biyaha iyo korontada si ay u barakiciyaan ay hada Muqdisho ka jirto arimo taas la mid ah.

“Haddii aad maqli jirtay Yahuudda oo gurmadka, cuntada, biyaha iyo korontadaba ka jarta Qasa si dadka loo bixiyo, maanta Muqdisho ayaad ka heleysaa xaafado la qorsheeyay in la barakiciyo oo laga jaray biyaha, korontada, iyo isgaarsiinta, laguna go’doomiyay ciidamado adeegsanaya gaadiid gaashaaman” ayuu yiri Maxamed Aadan Kofi

Sidoo kale wuxuu sheegay in Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay sii dhaafayso heerka xad-gudubyada Yahuudda ee Bariga dhexe, waxaana waajib ah   in laga difaacdo sharafka iyo maalkaba sida uu warka u dhigay Kofi

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -