Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada Soomaaliya ee xukun doonka ah ayaa isku balansaday magaalada Muqdisho si ay war wada jira uga soo saaraan qorshe Dowlada Xasan Sheekh ay hada wado kaasoo ah wax ka badalka dastuurka Dowlada Somalia.

Siyaasiyiintaan oo u badan madaxweynayaal hore ,Ra’iisulwasaarayaal hore iyo musharixiin hore ayaa ayaa aaminsan in qorshahaani yahay mid qatar ku ah ah dalka guud ahaan iyagoo shir degdeg ah isku balansaday.

Advertisement

Siyaasiyiintaan oo hore uga hadleen arimahaan waxay daba socdaan waxyaaha qorshahaan furaha u yahay si ay uga hortagaan taasoo ah hadii dastur badalka uu ku  guuleysto Xasan Sheekh wuxuu awood u yeelan doonaa qorshihiisa labaad inuu u hirgelo kaasoo ah in dalku yeesho Madaxweyne xiseen,in la kasnsalo Ra’iisulwasaare iyo laba xisbi kaliya ay u tartami doonaan doorashada  madaxweynaha ee soo socota insha Allaah 2026.

Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay dhamaantood safar u soo yihiin marka laga reebo kuwa hore u joogay sida Xildhiban C/raxmaan C/shukuur iyo C/qaadir Cosoble.

Siyaasiyiinta xamar ku soo wajahan waxaa ka mida Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed,Ra’iisulwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale,ma cada in amdaxweynihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo imaanayo Xamar madaama aysan isku guruub ahayn kooxda hada is balansatay.

Farmaajo kaliya waxay isku aragti yihiin Fahad Yaasiin oo kulama dhowr ah-na ku yeesheen dalka Turkey,waxay u badan tahay hadey ka hadlayaan xitaa qorshaha Xasan Sheekh inay gaar uga hadli doonaan balse aysan xamar u soo socon.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleGudoomiye Sh.Aadan Madoobe oo Saaka ku wajahan Baydhabo
Next articleDagaal mar kale maanta ka dhex qarxay Khaatumo iyo Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here