HomeWarkiiMucaaradka Dowlada Soomaaliya oo looga yeeray Nairobi

Mucaaradka Dowlada Soomaaliya oo looga yeeray Nairobi

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Mucaaradka Dowlada Somalia gaar ahaan isbahaysga la baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa looga yeeray Magaalada Nairoobi walina ma cada waxa lagala hadli doono marka laga reebo warar aan la xaqiijin oo  sheegaya in arimaha kala guurka dalka lagala hadlayo.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya waxaa iskula jira Mucaaradka Madasha samatabixina iyo Mucaaradka labada maamul ee Puntland iyo Jubaland,waxaana lagu wadaa in kulankaani uu dhaco ka hor inta aysan Kismaayo aadin mucaaradka.
Warar ayaa sheegaya in kulankaan Kenyaanku waceen Mucaaradka Dowlada ay daha gadaashiisa ka maamulayso  safaarada Mareykanka oo howsha casuumaada wadata,wararku waxay intaasi ku darayaan Mareykanku doonayaan inay mucaaradka ka hor yimaadaan amniga Somalia gaar ahaan amniga Muqdisho islamarkana ay sugaan inta sida sharciga ah laga gaarayo xili doorashada ay ka qabaneyso Dowlada Somalia waliba waqtigeeda.
Golaha ayaa 10-ka bishaan waxay ku balansan yihiin Kismaayo balse waxaa macquul ah in 2 maalin oo kale inay dib u dhigtaan ama inay Nairobi degdeg ku tagaan kadibna Kismaayo u sii safraan.
Dhanka kale Siyaasiyiinta Golaha ee la casuumay ayaan wali si rasmi ah uga hadlin shirkaan la sheegay inay Nairoobi u aadayaan iyo waliba sida ay u kala maareynayaan kii Kismaayo iyo kan Nairobi waaba hadii uu run noqdo casuumada Nairobi oo ayna waliba aqbalaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMadasha Mucaaradka, Puntland iyo Jubaland oo war-saxaafadeed culus soo saaray - Jowhar News Leader | Somali News
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -