Guddiyada Farsamo ee ka kala socday Dowladda iyo Mucaaradka garabka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa maanta isla gartay in dib loo bilaabo wadahadalladii ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka.
Kulanka dhinacyadaan dhexmaray waxaa dhex dhexaadiyayaal ka ahaa beesha caalamka iyo Turkiga, waxaana lagu wadaa in beri khamiis ah ay isa soo hor fariistaan madaxda mucaaradka iyo Madaxda Dowlada.
