MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maanta waxaa Xalane kulan uu ku dhexmaray qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mucaaradka Golaha Mustaqbalka iyo Ururada Bulshada rayidka kuwaasoo siyaasiyiinta ku booqday Hotelka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ka degan yihiin xeyndaabka Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.Labada dhinac waxay ka wada hadleen arinta shirka ay ku balansan yihiin Dowlada iyo mucaaradka xili caqabado ay ku hor gudban yihiin qabsoomida shirka sida goobta lagu qabanayo oo la isku hayo.
Siyaasiyiinta Mucaaradka Golaha Mustaqbalka ayaa u sheegay Ururada Bulshada Rayidka in dhankooda diyaar u yihiin shirka balse dhanka Madaxweynaha uu ka muuqdo caga jiid islamarkaana iyaga xagooda uu u xayiran yahay.
Bulshada rayidka waxayu booriyeenMucaaradka inay xaqiijiyaan ka qeybgalka shirka isla markaana dulqaad muujiyaan madaama shirkaani uu yahay doorashooyinka dalka looga hadlayo ,dhanka Dowlada Madaxtooyada ayay doonayaan halka dhanka mucaaradkana ay doonayaan Xalane in lagu qabto.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM



