Mucaaradka Dowlada ee la baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbiyay warqad ay kaga hadleen arimaha siyaasada Somalia iyagoona eedeyn u jeediyay Hogaanka Dowlada Somalia.
Golaha Mustaqbalka waxay QM ka dalbadeen in baaritaan madax banaan lagu sameeyo weerarkii 3-dii Sebtembar 2026 lagu qaaday guri uu Magaalada Doolow ka deganaa Taliyihii hore ee ciidamada Asluubka Jen. Mahad C/raxmaan oo loo yaqaan Taliye-Shub.



