MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Madaxda Dowlada Somalia gaar ahaan Golaha Mustaqbalka ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah soo bandhigaan nuuca doorashada ay rabaan in dalka laga qabto madaama uu dhaad yahay muda xileedka Dowlada hada talada heysa.
Nuucaan Doorasho ayaa lagu wadaa mucaaradku inay la bar bar dhigtaan nuuca doorasho ee uu wato Madaxweyne Xasan kaasoo ah doorasho dadweyne oo toos ah ama qof iyo cod sidaad u taqaan,lama saadaalin karo sida uu u yaalo nuuca doorasho ee mucaaradku saaka ama galabta la soo shir tagi doonaan.
Sida wararka diblomaasiyadeed xaqiijinayaan nuuca doorasho ee Mucaaradka ayaan ahayn qof iyo cod ,sidoo kalana maaha nuucii dadbanaa ee mudada dheer lagu soo dhaqmayay balse waxaa lagu wadaa in mucaaradku la yimaadan nuuc ay is leeyihiin waa la isla qaadan karaa.
Dhanka kale waxaa aad loo hadal hayaa saacadihii ugu danbeyay in Beesha Caalamku aqbashay dalabkii mucaaradka ee ahaa in shirka uu balamiyay Madaxweyne Xassan ay u baahan yihiin cid iyaga iyo Madaxweynaha kala dhex dhexaadisa madaama gogoshii ugu danbeysay ee Madaxweyne Xasan u dhigay mucaradka uu fashilmay.lama oga in Dowladu aqbali doonto dhex dhexaadinta beesha Caalamka ama wakiilada dalalka shisheeye u jooga Muqdisho.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
