Mucaaradka Golaha Mustaqbalka ayaa goor dhaw warrsaxaafadeed ka soo saaray hadal maanta ka soo yeeray Wasiir Fiqi kaasoo xisad dhaliyay sida muuqata.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Dagaalkii ka dhacay bilo ka hor saldhiga Wardhiigleey ee u dhexeeyay Mucaaradka iyo Dowlada ay ahayd in madaxa lagu dhufto Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed.
Mucaaradka waxay warkooda ku sheegay hanjabaada Wasiir Fiqi inay u qaadanayaan mid uu ku matalo Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh sida ay warka u diigeen.
