HomeWarkiiMucaaradka iyo Dowlada oo ku dagalamay Saldhiga Booliiska Warta-nabada

Mucaaradka iyo Dowlada oo ku dagalamay Saldhiga Booliiska Warta-nabada

Waxaa galabta isku dhacay oo is rasaaseeyay ciidamada Dowlada iyo kuwa mucaaradka kadib markii ay shariif iyo xubnaha kale gaareen suuqa siinaay iyo nawaaxigiisa oo maanta ciidamada Dowladu ku jir dileen Odey waayeel ah iyo haweeneyd uur leh .

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Dowlada iyo mucaaradka mar qura uu ka dhex qarxay is rasaaseyn kadibna halkaasi waxaa si degdeg ah loogala cararay masuuliyiintii mucaaradka kuwasoo lagu qaaday gaari kuwa aan xabaduhu karin ah.

Warar kala duwan ayaa sheegaya in dhibaato weryn aysan dhicin islamarkaana siyaasiyiinta mucaaradka aysan waxba gaarin.

Dhanka kale goobta waxaa shir jaraa’id ku qabanayay taliska booliiska waxayna ka hadlayay dhacdadii maanta dhacday iyadoo Taliye Macalin Mahdi uu goobta keenay Odeygii la jir dilay.

Dagaalka intii uu socday waxaa bur bur soo gaaray dhismaha saldhiga Warta Nabada oo ay gaartay rasaasta labada dhinac, mid ka mid ah gaadiidka ciidamada Dowlada ayaa lagu gubay dagaalka, wixii war ku soo kordha wararkeena danbe ayaad kala socon doontaan insha allaah .

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -