MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta mar kale madaxtooyada ku balansan Madaxweynaha Somalia iyo siyaasiyiinta madaxsha samatabiinta mucaradka si ay u sii anba qaadaan kulamadii usoo socday xili uu marayo wada hdalkoodu meel xasaasi ah.
Sida aan xogta ku helnay dhinacyadaan ayaa maanta leh kulankoodii ugu xasaasinaa mdaama uu soo gaaray wada-xaajoodkoodu meelihii lau kala bixi lahaa tusaale mucaradka ayaa aad ugu dhagan qodobka -aad ee dastuurka ku saabsan iyagoo doonaya in Dowladu laasho gabi ahanba wax ka badalkii dhawaan lagu sameeyay.
Mucaaradku waxay aad u doonayaan in Madaxweyne Xassan cadeeyo inuu ka laabtay wax ka badalkii uu dastuurka ku sameeyay isamarkaana loo daayo sidii uu markii hore ahaa.
Wararku waxay tilmaamayaan in shirka oo soo gaaray wajigiisa -aad manta ay laba mid tahay in Madaxweyne Xassan u tanaasulo mucaaradka oo sidey rabaan u yeelo iyo in lagu kala tago gabi ahaanba shirarkii intaasi soo socday.
Si kastaba shirkaan wixii ka soo baxa wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
