HomeWarkiiMucaaradka Kismaayo ku shirsan oo durba ka jawaabay hanjabaadii Madaxweyne Xassan

Mucaaradka Kismaayo ku shirsan oo durba ka jawaabay hanjabaadii Madaxweyne Xassan

KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Mucaaradka Golaha Mustaqbalka ee ku shirsan Magaalada Kismaayo ayaa durba ka jawaabay hanjabaadii Madaxweyne Xassan uu u jeediyay siyaasiyiinta ku shirsan Magaalada Kismaayo xili uu ku tilmaamay mucaaradka inay xalka dalka u raadsheen meel ka baxsan xeyndaabka Dowladnimada.

Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ee xamar ka baxay ayaa hanjabaada Madaxweyne Xassan kaga jawaabay in waqtigiisa oo dhamaad ah uu ku jiro rafashadiisii ugu danbeeyay.

Masuulkaani wuxuu beeniyay wararka baraha bulshada iyo warbaahintu shaaciyeen oo ah in shirka khilaaf weyni hareeyay islamarkaana lagu kala tagay,wuxuu sheegay inuusan jirin wax dibaato ah oo shirka soo wajahay.

“Hadda ayaan arkayay Xasan Sheekh oo leh nimanii waxay aadeen meel dowladnimada ka baxsan waxaan lenahay,madaxweynaha waqtigaa ku yar oo rafasho ayuu ku jiraa ,rafashada nuucaas ahna wax saameyn ah ma yeelan doonto,waxaana dhihi lahayn Kismaayo waa dhul Soomaaliyeed.Dowlad ayaa ka jirta,taasoo hoos timaada sistamka dowladnimo oo ay qeyb ka tahay”ayuu yiri Maxamed Aadan Jimcaale Koofi

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -