Wasaarada Waxbarasgada iyo tacliinta Somalia ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku shaacineyso ogeysiis ah in iskuulada Magaalada Muqdisho oo dhan la xirayo sababo la xiriira u diyaar garowga doorashooyinka dartood.
Iskuulada waxay xirnaan doonaan 21-ilaa 25 si loogu diyaar garoobo doorashada oo bilaabaneysa 25-ka bishaan december 2025 insha Allah.
Hadaba halkaan ka akhriso warka ka soo baxay wasaarada waxbarashada:-
WasaaraddaWaxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay ku wargelineysaa dhammaan waalidiinta, ardayda iyo bahwadaagta waxbarashada in la hakin doono howlaha waxbarashada ee Gobolka Banaadir inta u dhexeysa 21-ka Diseember ilaa 25-ka Diseembar 2025.
Si loogu diyaargaroobo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dagmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa la xirayaa dhammaan goobaha waxbarashada oo ay ka mid yihiin dugsiyada, macaahidda iyo jaamacadaha.
Haddaba, Wasaaraddu waxa ay ka codsanaysaa masuuliyiinta goobaha waxbarashada ee loo asteeyey doorashooyinka in ay si habsami leh ula shaqeeyaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha.
Maalmaha la hakiyey waxbarashada, waxaa gadaal looga dari doonaa kaltirsiga sannad-dugsiyeedka 2025-2026.

