Siyaasiyiinta Mucaaradka ee isbadal doonka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kulan ay yeehseen waxay ka soo saareen warsaxaafadeed ay ku dhaliileen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Siyaasiyiintaan oo ay ka mid yihiin Jawaari,Shariif Sakiin iyo Maxamed Mursal ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan inuu tira laba jeer ka hor istaagay safar ay ku tagi lahaayeen Magaalada Baydhabo.

Advertisement

“madaxweynaha ayaa noo naga hor istaagay laba jeer inaan gaarno Baydhabo madaama waqtigii uu ka dhamaaday Madaxweynaha Koonfur-galbeed C/casiis Laftagreen”ayaa lagu yiri Warsaxaafdeed ka soo baxay siyaasiyiinta Mucaaradka

Sidoo kale waxay ku dhawaaqeen in 1-da November wixia ka danbeeya aysan aqoonsaneyn Madaxweyne Laftagreen madaama waqtigiisii xukunka uu dhamaaday islamarkaana uusan diyaar u ahayn inuu doorashada ku qabto waqtigeeda.

Madaxweyne Xasan oo dhowr mar isku dayay inuu dhex dhexxaadiyo labada dhinac ayaa hada u muuqatada in xiisad cusub ay ka dhex qaraxday mucaaradka iyo laftagareen lamana oga in mar kale Madaxweyne Xasan ku guuleysan karo inuu dejiyo xaalada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDagaalame Alshabaab ka tirsan oo lagu qabtay deegaanka NO50
Next articleKulankii Madaxda Carbeed iyo Joe Biden yaa kansalay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here