HomeWarkiiMucaaradka oo banaan-bax iclaamiyay sabtida soo socota

Mucaaradka oo banaan-bax iclaamiyay sabtida soo socota

Siyaasiyiinta Madasha mucaaradka samatabixinta ayaa iclaamiyay banaan bax ay ka dhigi doonaan Magaalada Muqdisho maalinta sabtida ee soo socota hadii Rabi idmo, Banaan-baxa waxay sheegeen inuu yahay mid nabadeed.

Banaanbaxa wuxuu ka dhici doonaa sedex goobood oo Magaalada Muqdisho ka tirsan sida Dayniile,Taribuunka iyo Siinaay xili ay ku muujin doonaan cabashadooda dhanka siyaasada Dowlada sida arimaha dhulka oo kale .

Banaan baxa waxaa saxaafada u sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dhanka kalana si kulul uga hadlay dhacdadii maanta ku qabsatay saldhiga Warta Nabada.

Siyaasiyiinta mucaaradka waxay doonayaan inay bulshada ku dhiiri geliyaan inay sameeyaan kacdoon ka dhan ah Dowlada oo waliba ka soo hormartay  waqtigii maandheytka Madaxweyne Xassan.

May be an image of 4 people, dais and text that says "o SMSTV SMS"

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -