MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa xiligaan oo duhurnimada ah Hotel Jaziira ku shirsan Siyaasiyiinta Mucaaradka samatabixinta kuwaasoo xalay shirkoodii uu fashil ku soo dhamaaday.
Sidoo kale warar ku dhow dhaw goobta shirka ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Somalia ay wariyayaasha madaxa banaan u diidan yihiin inay galaan hotelka soona tabiyaan shirka Mucaaradka sida ay sheegtay idaacada Danan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu meelo dhowr ah oo u dhaw Hotelka ka celiyeen wariyayaal u socday Hoteelka ,waxay wariyaasha ka hor istaageen in ay galaan Hotelka.
Ciidamada Booliisku ma sheegin sababta ay talaabadaani u qaadeen iyo cida iska leh amarka wariyayaasha lagu hor istagato inay shaqadooda qabsadaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
