HomeWarkiiMucaaradka oo markii ugu horeysay isku khilaafay wada-hadalada ay kula jiraan Dowlada...

Mucaaradka oo markii ugu horeysay isku khilaafay wada-hadalada ay kula jiraan Dowlada Somalia

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya xogo sheegaya in xalay kulan ay yeesheen siyaasiyiinta mucaaradka ay isku khilaafeen markii ugu horeysay inay ajande mideysan la tageen madaxtooyada oo maanta ay ku balansan yihiin wada-hadalka Madaxweyne Xassan ay hore ugula jireen.

Kulanka mucaaradka ee xalay oo dhacay waqti danbe ayaa yimid markii shirkii gudiyada  Dowlada iyo mucaaradka uu shalay fashil ku soo dhamaaday oo ay ku kala kaceen markii ay isku qabteen qodobada qaar sida in baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka ay shacbku soo doortaan taasoo Dowlada Somalia ay ku adekeysatay.

Shrika mucaaradka waxay xalay dhexdooda isku qabteen inay ka baaqdaan shirka maanta ay la leeyihiin Madaxweynaha iyo inay tagaan oo wada-hadalada ay ku sii jireen oo ay go’aamadodooda la tagaan madaxtooyada.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in laga adkaaday kooxdii rabtay in la qaadaco kulanka maanta, waxaana guuleystay dhinicii aaminsanaa inay shirka tagaan islamarkaana mowqifkodoa madaxweynaha hor dhigaan intii ay ka caroon lahayeen.

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Dowlada kulankooda maanta aad rajadu u yartahay madaama moqwqifyo ad-adag ay kala wataan labada dhinac , waxaana meesha ka baxday war dhawaan madaxweynaha ka soo baxay oo ahaa inay iyagu tanaasuli doonaan oo dastuurka sidiisii hore lagu celin doona madaama ay ka diideen xubnaha kale ee Dowlada sida Ra’iisulwasaare Xamza iyo maamul Goboleedyada Dowlada la socda.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMHoggaanka mucaaradka oo Muqdisho kula kulmay wakiilada beesha caalamka. | Horseed Media

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -