HomeWarkiiMucaaradka oo Madaxweynaha u soo jeediyay inuu joojiyo ku tak-rifalka awoodda dowladda...

Mucaaradka oo Madaxweynaha u soo jeediyay inuu joojiyo ku tak-rifalka awoodda dowladda iyo barakicinta danyarta.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxweyne Xasan u soo jeediyay inuu joojiyo ku tak-rifalka awoodda dowladda iyo barakicinta danyarta kadib kulan shalay isaga iyo saaxiibadiisa kale ee mucaaradka ay la qaatay qaar ka mdi ah dadkii Dowladu ka barakicisay halkii ay daganaayeen.

Shariif wuxuu muujiyay sida uu uga xun yahay dareenka ay soo gud-biyeen dadka qaar ka mid ah shacabkii dhawaan Dowladu ka saartay meelihii ay daganaayeen.
“Waxaan run ahaantii aad uga xumahay dareenka xannuunka leh ee ay maanta noo soo gudbiyeen qaar ka mid ah shacabkii la barakiciyey iyo guddiyo iyaga matalayay kuwaas oo si faahfaahsan uga hadlay dhibaatooyinka loo gaystay iyo saameynta ka soo gaartay barakicinta khasabka ah” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo xileedkiisa ay maalmo yar ka harsanyihiin waxaan u soo jeedinayaa innuu joojiyo ku tak-rifalka awoodda dowladda iyo barakicinta danyarta”ayuu mar kale yiri Shariif
Dhanka kale Shariif wuxuu xusay in shacabka Muqdisho xiligaan u qalmin in la barakiciyo madaama xili roobaad la galay islamarkaana ay wajahayaan duruufo qalafsan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -