MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiyiinta Mucaaradka gaar ahaan kuwa la baxay Golaha Mustaqbalka ayaa maanta ku balansan shir ay ku yeeshaan Muqdisho xili ay qorsheynayaan inay soo bandhigaan nooca doorasho ee ay u arkaan inay ka dhici karto dalka .
Warar ku dhaw dhaw Mucaaradka ayaa sheegaya inay Arbacada si rasmi ah u soo bandhigi doonaan nooca doorasho ee ay u arkaan inay ka dhici karto dalka islamarkaana ay balanqaadkaasi kaga dhawaaqi doonaan shirkodoa maanta,mucaaradka waxay durba cadeeyaan qorshaha ay wadaan inuu yahay mid ay isla ogyihiin maamukada Puntland iyo Jubaland.
Talaabada ay qaadeen Mucaaradka ayaa noqonaya markoodii ugu horeysay oo iska furayaan xujada ugu adag ee Madaxweyne Xasan uu dul dhigay taasoo ah ineysan heyn qorshe ay la bar bar dhigtaan doorashada ay soo bandhigeen ee ah qof iyo cod balse kaliya ay diidmo la taagan yihiin.
Dhanka siyaasada arimaha dibada ayuu culeys wayn kaga imaanaya mucaaradka madaama Madaxweyne Xasan uu dunida ka gaday inuu isagu hayo qorshe doorasho qof iyo cod ah islamarkaana mucaaradkuna heyn wax qorshe ah marka laga reebo diidmadooda kaliya.
Si kastaba hadii ay Mucaaradku Arbacada ka dhabeeyaan balanqaadkooda waxay u noqon doontaa fursad ay kula loolami karaan Dowlada Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
