MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiyiinta mucaaradka ee la baxay Golaha samatabixinta ayaa ku celiyay inaysan marna ka qeybgalayn shirka uu maanta qabanayo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh kaasoo lagu casuumay.
Xog-hayaha guud ee Golaha samarabixinta Maxamed Aadan Koofi ayaa saxaafada la hadlay maanta wuxuuna si cad u sheegay ineysan ka qeybgaleyn isagoo shirka Dowladu qabatay ka soo qaaday mid aan xiligaan loo baahneyn.
“shir wada-tashi waqtigiisa waa laga soo gudbay kaliya waxaan isugu iman karnaa anaga iyo Dowlada shir si guud looga wada doodi karo xal u helida arimaha Soomaaliya ee hada la isku hayo”ayuu yiri Maxamed Aadan Koofi
Xog-hayaha mucaaradka wuxuu sidoo kale ugu baaqay Madaxweyne Xassan inuu shir wada-tashi la qaato saaxiibadiisa oo kaliya balse iyaga kalya loogu yeeri karo shir siyaasadeed.
Dhanka kale wuxuu ku eedeeyay madaxtooyada inaysan cadeyn ajandaha shirka oo uu mugdi ku jiro.
“inagu diyaar uma nihin shir soomaali aysan u dhameyn islamarkaana lagu sii kala fogeynayo”ayuu mar kale yiri Maxamed Aadan Koofi
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
