MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mucaaradka oo sharci daro ku tilmaamay waraaqihii aqoonsiga safiirnimo ee shalay Madaxweyne Xasan ka gudoomay Safiirka cusube ee Jabuuti.
“Safiirka walaalaha Djibouti, walaalkay Danjire Col. Cusmaan Dubbad, waxay aheyd in uu sugo Madaxweynaha sharciga ah ee soo socda” ayuu yiri Maxamed Aadan Jimaale Koofi oo ka tirsan mucaaradka
Koofi wuxuu intaasi ku daray in Madaxweyne hore uu yahay Xassan Sheekh,sidaas daraadeedna uusan lahayn awood sharci ah oo 15-ka May kaddib uu ku go’aamin karo xariiro dublamaasiyadeed.
Xasan Sh waa madaxweynihii hore ee dalka, mana lahan awood sharci ah oo 15-ka May kaddib uu ku go’aamin karo xariiro dublamaasiyadeed, kuna qaadan karo go’aamo masiiri ah” ayuu mar kale yiri Koofi
Dhanka kale Siyaasigaani wuxuu ugu baaqay Dalalka saaxiibada ah iyo kuwa kalaba inay ixtiraamaan dastuurka iyo dowladnimada Somalia sida uu warka u dhigay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
