Siyaasiga Maxamed Aadan Koofi oo ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka Dowlada gaar ahaan Madasha Samatabixinta ayaa war kooban uu soo saaray wuxuu kaga codsaday Baarlamaanka inay hor istaagaan qoshaha Dowlada ay deynka ku dalbatay.
“Baarlamaanka Soomaaliyeed, inkasta oo aan rajo badan laga qabin, haddana waxaan u soo jeedinayaa in aan dayn qaadasho laga ogolaan kooxdaan gabbalkeedu sii dhacayo” ayuu yiri Siyaasiga Maxamed Aadan Koofi
Siyaasigaan wuxuu intaasi ku daray in deyn dalbasho ay u sii dheertahay Dowlada boqollaal malyan oo hantidii qaranka ee la iibiyay ka timid inaan meelna lagu sheegin sida uu warka u dhigay Siyaasi Maxamed Aadan Koofi
“Caqli iyo qiyaas laguma keeni karo in maamul waqtigii ka dhamaaday dayn qaadasho loo fasaxo, waxaana intaas dheer boqollaal malyan oo hantidii qaranka ee la iibiyay ka timid meel laguma sheego” ayuu mar kale yiri Koofi .
Ugu dabeyn Madasha samatabixinta gaar ahaana Siyaasi Maxamed Aadan Koofi wuxuu soo jeediyay in hadii Dowladu ku qasban tahay inay deyn qaadato laga qaado Xasan Sheekh laftigiisa.
“Haddii lagu qasban yahay dayn, waxaan ku talin lahaa in duqa laga daynqaato, isagaa si uu ku keenayba bankiyada ka jeeb roone!” ayuu ku soo gabagabeeyayhadalkiisa Maxamed Aadan Koofi
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
