MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiyiinta Mucaaradka ee dhawaan.la baxay madasha Samata-bixinta oo caawa Shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ogolaaday inay la fadhiistaan oo wada hadlaan Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Naxamuud.
Aqbalaada mucaaradka ayaa yimid kadib codsi uga yimid Madaxweynaha taasoo ahayd inay masiirka dalka ka wada hadlaan.
Siyaasiyiintaan oo dhawaan gudoomiye u doortay Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale shirkooda caawa isku afgarteen inay mar kale isugu yimaadaan kulan kale kaasoo ay ka soo saari doonaan ama ku go’aamin doonaan waqtiga ku haboon ee shirkaasi ay la geli doonaan madaxweyne Xasan.
Go’aanka mucaaradka wuxu ku soo aadayaa xili siyaasiyiintaani badankood Muqdisho ku soo laabteen ,sidoo kale wuxuu ku soo aadayaa xili madaxweyne Xasan sheegay inuu raadin doono siyaasiyiinta mucaaradka ee diiday shirkii dhawaan Muqdisho ku soo dhamaaday.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
