Dr. Guled Salah oo ah siyaasigii Saciid Deni si weyn ugula tartamay xilka Madaxweynaha Puntland ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray xarigii lagula kacay dhalinyaradii hormuudka ka ahayd Kacdoonka Gaalkacyo kaasoo looga soo hor jeeday siyaasada Saciid Deni.
Warsaxaafadeedka siyaasigaan ayaa sidan u qornaa:-
“Tacaddiga iyo xarigga laamaha Amniga Puntland ay kula kaceen dhallinyarada ka abaabulayey isusoo-baxa nabadeed magaalada Gaalkacayo waa fal ka soo horjeeda qodobbada 14 iyo 24-aad ee Dastuurka Puntland.
Qodobbadaas oo si buuxa u damaanad qaadaya xorriyadda hadalka, abaabulka iyo ka qeyb qaadashada bannaan-baxyada nabadeed, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Deni in uu degdeg u sii daayo dhallinyarada u afduuban.
Waxaa nasiib darro ah in dhallinyaradii u kacay duruufaha adag ee ka jira deegaankooda loogu abaal gudo xabsi iyo caburin, halka la xallin lahaa tabashada jirta ee arrimaha nolasha, shaqo abuurka iyo awood siinta maamul ee dhallinyarada.”
