GAROWE (DAYNIIILE.COM)-Guud ahaan Mucaaradka Maamulka Puntland oo u badan siyaasiyiin xukun doon ah ayaa hal mowqif ku wada dhagan taasoo ah inay wada ayidsan yihiin go’aankii isimada Puntland.

Habeen hore ayay ahayd markii Isimada Puntland ay soo saareen go’aan ah in Tirada Golaha Wakiilada ay noqdaan 49 xubnood lagana reebo xubnihii ka iman jirey dhanka SSC Khaatumo ee ahaa 17-ka xildhibaan madaama ay yeesheen maamul ka madax banaan Puntland.

Advertisement

Sida warar hoose sheegayaan Madaxweynaha Puntland ayaa isna ku dhagan in 17-ka xildhibaan ay ka sii mid ahaadaan Puntland si kumeel gaar ah taasoo mucaaradkuna dureen.

Afhayeenka qaar ka mida Mucaaradka Puntland C/raxmaan dheere ayaa ku eedeeyey Saciid Dani inuu dantiisa ku wato qorshaha xildhibaanada 17-ka ah ee ka imaan jirey SSC Khaatumo.

“Saciid Dani isagaa laga rabaa inuu is waafajiyo taageeradii u u muujiyay markii SSC Khaatumo ku dhawaqday maamul gaar ah iyo qorshihiisa hada ee ah inay ka sii mid ahaadaan Puntland”ayuu yiri Afhayeenka

Masuulkaan u hadlay mucaaradka wuxuu xusay in Sacidi dani kaliya uu rabo inuu danihiisa xukun ku gaarista ka leeyahay xildhibaanada SSC Khaatumo.

“fowdo iyo sharci daro waye damaca saciid Dani ” ayuu mar kale yiri afayeenka.

Si kastaba Gudiga xalinta khilaafaadka oo maanta lagu wado inay ku dhawaaqaan tirada Xildhibaanada Puntland ayaa  ama fowda gelin kara ama wado wanaagsan u jeexi kara puntland.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlad Goboleedka Hirshabelle oo ka daah furtay Warsheekh qorshaha dib u  heshiisiin ah+SAWIRRO
Next articleSAWIRRO: Falastiini ka soo qaxay Duqeymaha oo sameystay shaqo abuur farsamo cusub ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here