HomeWarkiiAfar ka tirsana Alshabaab oo dalbadeen in la cafiyo si ay bulshada...

Afar ka tirsana Alshabaab oo dalbadeen in la cafiyo si ay bulshada uga mid noqdaan+SAWIRRO

Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Koonfur Galbeed (NISA-KGS) ayaa maanta soo bandhigtay afar xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta kuwaas oo isku soo dhiibay kadib markii ay ka quusteen dhibaatada iyo cadaadiska ay bulshada ku hayeen.
Xubnahan oo ka tirsanaa jabhadda Khawaarijta ayaa si iskood ah isu soo dhiibay, waxaana ay sheegeen in ay dulqaad u waayeen dhibaatooyinka joogtada ah ee Khawaarijtu ku hayaan shacabka iyo dagaallada lagu afjarayo, taas oo ku khasabtay in ay ka tanaasulaan fikirkii ay ku jireen.
Afarta isasoo dhiibtay ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in la cafiyo, si ay ugu soo biiraan bulshada Soomaaliyeed ee nabadda iyo horumarka ku taamaysa.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa guud ahaan dalka ka socda howlgal ballaaran oo lagu ciribtirayo Khawaarijta ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah dalka, iyadoo ciidanka qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed ay iskaashanayaan sidii looga takhalusi lahaa cadowga ummadda.May be an image of 4 people and childMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and smilingMay be an image of 1 person, child and smilingMay be an image of 1 person, beard and smiling
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -